Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Xeer Madaxweyne, Lr-39, ee Luulyo, 03, 2019, ku Aasaasay Wakaaladda Biyaha iyo Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub.
Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo horumarinta Biyaha iyo Korontada.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Biyaha Dowladda Puntland.
- Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.
- Waxay labadaas Wakaaladood siyaasad ahaan hoos tegayaan Wasaaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
PUNTLAND POST