Maxay ku midoobeen Kheyre iyo Mahad Salaad?

Kheyre iyo Mahad Salaad

Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanada mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeeday dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre ayaa hadda ka mid noqday muxaafadka daacada ah.

Mahad Salaad oo kamid ah Golaha shacabka ayaa har iyo jeer dhaliili jiray siyaasadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Waasaare Kheyre, wuxuuna inta badan eedeymo kulul u marin jiray baraha bulshadu ku xiriirto, gaar ahaan Facebook-ga Twitter-ka .

Mahad Salaad waxay aad isugu dhawaayeen Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dowladiisii kasoo qabtay xilal wasiirnimo, sidoo kale wuxuu kamid ahaa xisbiga muraadka UPD ee hogaamiyo Xasan Sheekh.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu Xildhibaan Mahad Salaad mar qura ka soo dhexmuuqday madal ay ku sugnaayeen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo qaar kamid ah golihiisa xukuumadda oo lagu xusayay 1-dii Luuliyo, taas oo ka dhacday Dhuusamareeb, waxayna taasi muujisay in ay si hoose u heshiiyeen, maadaama ay horey u kala aragti fogaayeen.

Sidoo kale wuxuu Nabad iyo Nolol taageero weyn ugu muujiyay baraha bulshadu ku xiriirto oo uu horey uga mucaaradi jiray siyaasadeeda.

Is fahamka Kheyre iyo Mahad Salaad ayaa ku soo aaday, iyadoo Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Galmudug ay dhawaan heshiis ku gaareen Cadaado, iyo sidoo kale Kheyre oo booqasho ku marayo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo laga soo doortay Xildhibaan Mahad.

Is fahamkan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay isku danaysi, maadaama labadooduba ay dano siyaasadeed leeyihiin mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoos u dhigay mucaaradkiisii, iyadoo uu heshiis la gaaray qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ahaa xukuumaddiisa.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ee mucaaradka noqda ma ahan kuwo siyaasad ahaan doonaya inay wax saxaan, ee waxay ku fushadaan mucaaradnimada dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa iyaduna kuwa siyaasad ahaan ka soo horjeeda u isticmaasha ereyo ay ka mid yihiin “qaran dumis” shisheeye kalkaal” iyo “dowlad diid”, waxayna wakhta badan ku bixisaa sidii ay ula dagaalami lahayd mucaaradka, taas oo ay ku ilowday howlo badan oo horyaalay.

Dowladda hada jirta waxaa muddo xiliyeedkeedii uga haray sanad iyo bar ah, waxaana muuqada in aysan intoodii badnaa fulin ballan-qaadyadii ay horey u sameysay.

PUNTLAND POST