Dalalka iyo Ururada Daneeya Soomaaliya oo Qoraal kasoo saaray xaaladda Galmudug

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo dhawaan ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku marayeen deegaanno ka tirsan Galmudug, isla markaana uu kulammo la qaadanayay waxgaradka iyo cuqaasha kasoo jeeda deegaannadaas, ayaa waxaa warbixin kasoo saartay arrintaas beesha caalamka.

Dalalka Farnaasiiska, Finland, Denmark, Germany, Talyaaniga, Netherland, Poland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Britain, Maraykanka, hawl-galka AMISOM, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, QM iyo saaxiibbada Somalia, ayaa waxay si wadajir ah u soo dhoweeyeen wadahadallada xilligan ka socda Galmudug iyo isku soo dhaweynta garabyada siyaasadeed ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Somalia.

Warbixin qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM, ayaa lagu sheegay inay daneeyayaasha iyo saaxiibbada Somalia ammaanayaan wada-hadallada ka socda Galmudug, si ay u midoobaan garabyada halkaas isku haya, korna loogu qaado xasilloonida deegaannadaas, taasoo wax-tar u leh dadka halkaas ku dhaqan iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Qoraalkan ayaa lagu faray in dhammaan daneeyayaasha Somalia ay sii wadaan dadaalkooda iyo inay maamulka Galmudug kusoo dabbaalaan dib u heshiisiin loo dhan yahay, taasoo horseedi karta doorasho hufan oo ka dhacda halkaas, kana soo baxaan hoggaan cusub  si aan dhibaato lahayn.

Dhanka kale, Xubnaha beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay kalsoonida ugu qabaan in dadaallada ka socda Galmudug ay noqodaan kuwo miro-dhal ah, isla markaana la isku raaci doono dadaallada ay waddo dowladda dhexe ee Somalia.

Waxgaradka degamda Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay ka waddo deegaannada Galmudug kala qoqob iyo dumin, iyagoo ku baaqay in aan laga gudbin wanaaggii ay reer Cadaado u galeen Galmudug oo markii la dhisayay ay hiil iyo hooba la garab-istaageen.

Ugu damheyn, Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa hadal u ka jeediyay dhawaan magaalada Dhuusa-mareeb wuxuu ku sheegay in lagu qaban doono kulam dib u heshiisiin ah Caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb halkaasna lagu qaban doono doorashada lagu soo xulayo xubnaha hoggaamin doona maamulkaas.

PUNTLAND POST