Cuqaasha Galmudug oo ku kala Qayb-samay hadal uu Khayre ka sheegay Dhuusa-mareeb

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa shalay ka jeediyay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud in doorashada soo aadan ee Galmudug lagu qaban doono Dhuusa-mareeb, taasoo dhalisay caro xoog badan.

Khayre ayaa hadalkiisa waxaa loo fasirtay inuu ka hiilliyay degmada Cadaado, isla markaana uu u hiilliyay Dhuusa-mareeb oo gobol qura kuwada yaalla, waxaana taasi ay keentay in shalay ay dibadbaxyo ka dhacaan degmada Cadaado.

Degmada Cadaado oo ahayd halkii lagu dhisay maamulka Galmudug ayaa xarun u ahayd maamukaas muddo sannado ah, waxaase hoggaamiyeyasha Galmudug ay u wareegeen sannad ka hor magaalada Dhuusa-mareeb halkaa oo horay loogu asteeyay inay caasimadda maamulkaas noqoto.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxay go’aansatay inay heshiis buuxa la gasho Ahlusunna, kaasoo keenay in maamulku uu u guuro Dhuusa-maraab, halkaasoo uu Khayre sheegay inay buuxisay shuruudihii laga rabay caasimad, sidaas daraadeedna lagu dhisi doono Galmudug-ta cusub.

Dhanka kale, Waxgaradka Degmada Cadaado ayaa si kulul ugu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Somalia inay ballantii uga baxeen, isla markaana ay         doonayaan inay iska horkeenaan maamulka Galmudug.

Balse, waxgrad kale oo u hadlay Galmudug ayaa sheegaey in siyaasadda Galmudug aan loo adeegsan qaab ganacsi, waxayna xuseen in degmada Dhuusa-mareeb ay tahay xarunta Galmudug, isla markaana halkaas lagu qaban doono doorashada Galmudug.

“Qaylada ka baxaysa Cadaado, waxaan u aragnaa mid xiriir la leh siyaasad, waayo xubnaha baarlamaanka ku jira ee degmadaas kasoo jeeda ayaa iska leh dhammaan hoteellada iyo goobaha ganacsiga, waxayna doonayaan inaan xarunta Galmudug laga rarin Cadaado, taasna ma ahan wax la qaadan karo,” ayay waxgaradka hadlay ku yiraahdeen warbixin ay wadajir u soo saareen.

Ugu dambeyn, Waxgaradkan ayaa sheegay inaan la isku xirn siyaasadda iyo ganacsiga, waxayna ka digeen in Galmudug oo burburta ay dhibaato ugu jirto cid walba oo maamulkaas ka tisran, aysanna jirin cid ay si gaar ah u saameyn doonto.

PUNTLAND POST