Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan oo maanta ku kulmay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilka ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii loo dardar galin lahaa arimaha dib u hishiisiinta Maamulka Galmudug
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa sheegay in Soomaaliya dib u hishiisiin u baahantahay.
Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in uu bogaadinayo uuna soo dhaweynayo in Galmudug laga sameeyo dib u hishiisn xiligan la joogana aad looga baahanyahay waxa uu sheegay in uu gacan weyn ka sii doono sidii loo dardar galin lahaa loona heli lahaa dib u hishiisiin dhab ah.
PUNTLAND POST