Guddiga Xali u helidda dhacdadii koonfurta magaalada Gaalkacyo ee lagu laayay dadka ka soo jeeda koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa kadib kulamo kala duwan oo ay la yeesheen mas’uuliyiinta iyo madax-dhaqameedka koonfurta Gaalkacyo waxay ka soo saareen war-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob.
Guddiga ayaa sheegay in ay cabashooyin ka dhegaysteen shacabka ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ee ku nool degaannada Galmudug kuwaasi oo sheegay in markii Al-shabaab dhibaato ka geysato Galmudug lagu shaabbadeeyo bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Guddiga ayaa sheegay in iyagoo ka duulaya cabashadaasi ay soo jeediyeen in shacabka ka soo jeeda degaannada koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay nabadgelyada kala shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo laamaha amniga dowlad goboleedka Galmudug.
Sidoo kale in shacabka ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle laga joojiyo argagixisada lagu shaabadeynayo iyo eedaymaha loo jeedinayo ee la xiriira in ay gacan-siiyaan malayshiyaadka Al-shabaab ee dhibaatada iyo nabad-gelyo xumada ka sameeya gudaha dowlad goboleedka Galmudug.
Waxaa kale oo guddigu soo jeediyay in bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirsahabeelle ee ku nool degaannada Galmudug ay samaystaan guddiyo maamulka Galmudug kala shaqeeya nabadgelyada Degaanka.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.