Xasan Sheekh oo DF uga digay fara-gelinta ay ku hayso Dowlad-goboleedyada dalka ka jira

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada, kaasoo heerar kala duwan soo maray sannadihii ugu dambeeyay.

Xasan Sheekh oo la hadlayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in weli uu jiro kala shaki ka dhex jiro dowladda federaalka Somalia iyo Maamullada dalka ka jira, balse loo baahan yahay in taas ay meesha ka saaraan madaxda DF, isla markaana ay xaliyaan tabashooyinka dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in maamul-goboleedyada Somalia ka jira uu Dastuurka siinayo awood dheeraad ah, dowladda Soomaaliyana uu siinayo xaq kaas la mid ah, laakiin dowladda Somalia ay faragelin ku hayso maamullada dalka ka jira koontoroolna ay ku heyso, gaar ahaan xilliyada ay doorashooyinka dhacayaan.

“Waxaan dowladda Somalia kula talinayaa inay maamullada dalka ka jira u madax-banneyso doorashooyinkooda, isla markaana laga digtoonaado in la fara-geliyo,” ayuu hadalkiisa ku yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal-beeleedyada khasaaraha geystay ee ka socda deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, isgaoo waxgaradka ku nool gobollada Hiiraan iyo galgaduud ugu baaqay inay ka qayb-qaataan joojinta dagaalladaas.

“Runtii waa wax laga xumaado dagaal beeleedyada dalka ka socda, waxaana ugu baaqayaa waxgradka inay ka hortagaan dagaalladaas oo deegaanadaas ay nabad kusoo dabaalaan, waayo haddi ay siii socdaan dagaalladaas waxaa imaan kara dagaallo kuwa dhacay ka xun,” ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa xalay xafladda xuska 01-da Luuliyo 2019-ka uga qayb-galay dalka Tanzania oo uu ku sugan yahay, wuxuuna dadkii kasoo qayb-galay xafladdaas ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

DHAGEYSO: Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud uu uga digay fara-gelinta Maamul-goboleedyada

PUNTLAND POST