Madax-dhaqameedka Cadaado oo qaaddacay shirka dib u-heshiisiinta Galmudug

Hoggaanka dhaqanka magaalada Cadaado, ayaa haatan ku dhawaaqay in aysan gebi ahaanba ka qeyb-geli doonin, shirka dib u-heshiisiinta Galmudug ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay sheegay in lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb.

Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan ,hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Odoyaasha ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ka dhabayn waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo.

PUNTLAND POST