Diyaaradda Qatar Airweys oo Duullimaadyo Toos ah ka billowday Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa maanta si rasmi ah uga billowday Muqdisho duulimaadyo toos ah, iyadoo mid ka mid ah diyaaradaha shirkadaas ay kasoo dagatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee muqdisho.

Garoonka Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad duulimaadka tooska ah ee shirkadda Qatar Airways ay ka bilaawday Muqdisho lagu daaho-furayay , waxaana ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Somalia, xubno ka tirsan dowladda Somalia, danjiraha Qatar u fadhiya Somalia iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa rakaabkii ugu horreeyay keentay Muqdisho, kuwaasoo isugu jira Somali iyo ajaanib, iyadoo dhaa kalena ka qaaday Muqdisho rakaab kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, ayaa sheegay in duullimaadyada Qatar Airways ay marinkiisa noqon doonaan Muqdisho iyo Doha toos ah, iyadoo aanay soo mari doonin meel kale, inkastoo maanta ay soo martay dalka Jabuutik.

Duullimaadyada diyaaradda Qatar Airweys ay Muqdihso ku imaanayso ayaa waxay noqon doonaan saddex jeer toddobaad walba, iyadoo rakaabka si toos ah uga soo qaadaysa Qatar kuna keenaysa Muqdisho, sidaas si la mid ahna rakaabka ay Muqdisho ka qaado si toos ah u geysanaysa Doxa.

Waddanka Qatar ayaa waxaa horay u go’doomiyay dalalka Khaliijka, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha argagaxisada ah, inkasoo ay Xukuumada Dooxa iska diday eedeyntaas, kuna tilmaantay mid sumcadeeda lagu halleynayo.

Xukuumadda Somalia ayaa dhex-dheexad ka noqotay muranka u dhexeeya dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka oo isku dhinac ah iyo Qatar oo dhinac kale ah, taasoo keentay in Qatar ay taageero fara badan u ballan-qaaddo Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Shirkadda Qatar Airways ayaa ah shirkaddii afaraad ee heer caalami ah oo duulimaad ka bilaawdo Muqdisho, iyadoo horay duulimaadyo ugu imaan jireen Muqdisho Shirkadaha; Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti.

PUNTLAND POST