RW Khayre oo dib ugu laabtay Dhuusa-mareeb kulammana la leh Hoggaanka Ahlu-sunna

Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay dib ugu laabtay Magaalada Dhusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, iyagoo kulamom la leh madaxda Ahlusuna Wal-jamaaca.

Khayre oo safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay degmada Caabud-waaq oo Galguduud ka tirsan ayaa soo maray deegaannada Huurshe iyo Xeraale, isagoo dadka deegaanka Xeraale ay ku wareejiyeen gaadiid dagaal iyo malleeshiyo, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid noqon doonaan ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale, Khayre ayaa waxgaradka deegaanka Xeraale kala hadlay sidii loo dhammeyn lahaa colaad-beeleedyada deegaankaas iyo deegaannada kale ku soo noq-noqotay, taasoo geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah isugu jirta.

Dhanka kale, Magaalada Dhuusa-mreeb ayaa waxaa xalay ka dhacay kulamo kala duwan, waxaana la filayaa in maanta ra’iisul wasaare Kheyre uu wada-hadallo la yeesho madaxda Ahlu-sunna ee ku sugan Dhuusa-mareeb si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.

Kulammada oo waqti dheer qaadan doona ayaa ugu dambeyn la filayaa in Khayre iyo xubnaha Ahlu-sunna ay War-murtiyeed kasoo saaraan shirkooda kaasoo ay ku qodobeysan yihiin qodobbadii lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Kheyre ayaa soo maray degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, oo ay ka mid yihiin Cadaado, Cabud-waaq, Huurshe iyo Xeraale.

PUNTLAND POST