Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Qayb-galay Janaasadii Marxuum Maxamed Qanyare Afrax

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay salaadda janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum, Maxamed Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta marxuumka ku tukaday Janaasada ayaa Alle uga baryey inuu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka uu ka geeriyoodey.

Sidoo kale, Janaasada Marxuum Qanyare waxaa ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia, Xildhibaannada labada gole, mas’uuliyiin heer gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Janaasada kaddib ayaa lagu wadaa in marxuumka la aaso, waxaana lagu wadaa inay ka qayb-galaan xubno ka tirsan dowladda Somalia, waxaana uu ka mid ahaa marxuumkan hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho.

Qanyare ayaa ku dhintay da’da 78-jir, wuxuuna ku dhashay deegaan aad ugu dhaw degmada Ceelbuur oo lagu magacaabo Derri, isagoo horay uga mid noqoday booliiska Somalia, kaddibna u baxsaday Kenya, halkaasoo uu ka sameeyay ganacsi bulaalay.

Dhanka kale, Burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayuu dalka dib ugu soo laabtay, isagoo kaalimo kala duwan kasoo qaatay isbedelladii dhanka siyaasadda ahayd ee dalka ka dhacay, wuxuuna marar kala duwan soo noqday wasiir iyo xildhibaan.

Ugu dambeyn, Maxamed Qanyare Afrax ayaa lagu xusuustaa inuu kaalin weyn ku lahaa hawlgalkii argagaxiso la dirirka, kaasoo ay qayb ka ahaayeen hoggaamiye kooxeedyo kale oo qaarkood ay nool yihiin, inkastoo laga itaal roonaaday dagaalkaas.

PUNTLAND POST