Xulista Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo laga billaabay Magaalada Kismaayo

Kismaayo (PP) ─ Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga bilaabay xulista xildhibaannada cusub ee maamulkaas uu yeelanayo, kuwaasoo bedeli doona xidhibaannada hadda jooga.

Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada ayaa goor hore waxaa la dajiyay goobo lagu ilaalinayo amnigooda, waxaana xildhibaanada la bilaabay in lasoo xulo ay soo dooran doonaan cidda hoggaamin doonta maamulkaas dhawrka sano ee soo socda.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in xulista xildhibaannada cusub ee maamulkaas ay marayso meel aad u wanaagsan, ayna si weyn u rajeynayaan in dhawaan lagu dhawaaqo magacyadooda.

Xildhibaannada cusub ayaa waxay ka imaan doonaan dhammaan gobollada uu maamulka Jubbaland ka kooban yahay, waxaana marka lasoo xulo gabi ahaan xildhibaannada ay iyaguna dooran doonaan guddoonkooda, si ay ugu gudbaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashada Jubbaland lagu hayo fara-gelinta, taasoo uu ku eedeeyay dowladda federaalka Somalia.

“Jubbaland waxaa lagu soo qaaday weerar dhinac walba ah, waxaana laga soo abaabulayaan weerarradaas Villa Somalia, waxaana ku talin lahaa in laga digtoonaado fara-gelinta lagu hayo doorashada Jubbaland,” ayuu si ay caro ku dheehan tahay u yiri madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ku boorriyay madaxda DF in dastuurka dalka u yaalla la ilaaliyo, haddii taas la diidana aysan jirin cid looga adkaan doono dagaal, wuxuuna si ay caro ku jirto u yiri, ‘haddii dastuurka la ilaalin waayo, innaguna waa is-difaaci doonaa.’

Dowaldda federaalka Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka Axmed Madoobe, waxaana doorashada soo socota lagu wadaa inay kula tartamaan xubno la sheegay inay aad ugu dhaw yihiin Dowladda dhexe ee Somalia.

Ugu dambeyn, Xulista xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli maalin ka hor uu Muqdisho soo gaaray wasiirka amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur [C/rashiid Janan, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa safarkiisa, waxaase lagu tiriyaa xubnaha sida weyn ugu dhaw madaxweyne Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST