Turkiga oo lagu maxkamadeynayo Haweeney afla-gaadeysay Madxweyne Rajab Erdogan

Istanbul (PP) ─ Haweeney siyaasiyad ah oo u dhaslatay Turkiga laguna magacaabo, Kanan Kavtangi-oglu ayaa maxkamad lagu soo taagay Istanbul iyadoo loo haysto eedaymo la xiriira in ay afla-gaadeysay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Siyaasiyaddan ayaa madax ka ah Laan ka tirsan xisbiga cilmaaniga ah ee Republican People’s Party, waxaana lagu waddaa inay  mudan doonto 17-sano oo xabsi ah haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay.

Kavtangioglu, ayaa lagu maxkamadeynayaa warbixinno ay ku soo qortay barteeda Twitter-ka oo ay qaarkod qoratay lix sano ka hor. Tasoo keentay in lagu eedeeyo inay afla-gaadaysay Madaxweyne Erdugan iyo xukuumadda uu madaxda u yahay, isla markaana ka faafisay dacaayado kala duwan.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa la sheegay inay ku eedeysay xukuumadda iyo madaxweynaha Turkiga inay yihiin argagaxiso, taasoo keentay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad lagu soo taago siyaasaddan.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in hadallada loo haysto ay la xiriiraan mudaaharaadyadii xukuumadda looga soo hor-jeeday ee dhacay sannadkii 2013-kii laguna taageerayey xisbiga la mamnuucay ee PKK.

Maxkamadda ayaa waxaa ka qayb-geli doona xubno badan oo xukuumadda Turkiga ka tirsan, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa dagaalka weyn ee lagula jiro in lagu joojiyo in la eedeeyo xukuumadda iyo madaxda dalkaas, si aan shacabka looga dhaadhicin fikrado qaldan.

Ugu dambeyn, Ikram Emamoglu oo dhawaan ku guulaystay Guddoomiyaha magaalada Istanbul oo ay gabadhan isku xisbi yihiin ayaa eedaymaha loosoo jeediyey Kavtangioglu ku tilmaamay kuwo sumcadeeda siyaasadeed lagu xumaynayo.

PUNTLAND POST