YARIISOW: Shacabka Xamar way ku amaanan yihiin kaalintooda Maalmaha Xorriyadda

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Taalada Dhagaxtuur ee Degmada Waaberi kula hadlay qaar ka mid ah bushada Caasimadda ayaa ku ammaanay sida wadaniyadda leh ee ay u weyneynayaan maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun ilaa 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalmahan qiimaha badan ay fursad u yihiin dariseynta, iscafinta iyo wacyigelinta bulshada oo mudnaan gaar ah u leh Maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan maalmahan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda.”

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka.

Dhanka kale, Guddoomiye Eng.Yarisow ayaa kormeer ugu tagay bulshada Degmada Deyniile, goob fagaare ah oo uu kula hadlayna waxa uu uga warbixiyey miro dhalka Barnaamijka Isxilqaan iyo muhiimadda uu u leeyahay bilicda iyo dib u dhiska Caasimadda.

Ugu dambey, Guddoomiye Inj. Yariisoow, ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed Todobaadka Xurriyadda, isagoona ugu baaqay in laga wada qeyb qaato Xuska maalinta 1-da Luulyo ee dhammaadka u ah maalmihii waddaniga ah ee xurriyadda dalkeenna.

PUNTLAND POST