Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka qayb galay Aas Qaran oo Garowe loogu sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur.
Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DFS, Xeer Ilaaliyaha DFS, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland,
Maxweynihii hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ka mid ahaa hormuudka Golaha Garsoorka Soomaaliyeed, kuna suntan aas-aaskii Golaha Garsoorka dowladda Puntland ee Soomaaliya.
“Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Dr. Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa mid ka mid ah tiirarka Dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ahaana Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa bahda Garsoorka, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Yuusuf Xaaji Nuur ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.
You must be logged in to post a comment.