Ganacsade lagu dilay duleedka Muqdisho iyo ruux dagaal la galay Ciidammo Booliis ah

Muqdisho (PP) ─ Ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdi Bashiir Muuse ayaa laga dhex-toogtay gellinkii dambe ee shalay gaari kuwa dadweynaha ah, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee dilkiisa ka dambeysa.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ka ganacsan jiray liinta, marka la dilayayna uu hor-taagnaa goob ganasi oo uu ku lahaa duulleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka KM-13 oo ku taalla waddada aadda Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidammo ka tirsna kuwa booliiska Somaila ay gacanta ku dhigeen gaarigii iyo darwalki waday, balse darawalku uu ku doodayo in ruuxa dilka geystay uusan garanayn uuna gaari ka dagay dilka kaddib.

Saraakiil u hadlay hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan darawalkii gaariga, ayna ku socdaan baaritaanno si loo helo gacan-ku-dhiiglihii dilka u geystay marxuumka, laasoo maydkiisa isla xalay la gaarsiiyay xarunta barista dambiyada booliiska ee C.I.D.

Dhanka kale, nin ku hubeysan bastoolad ayaa ciidan ka tirsan kuwa booliska kula dagaalamay xalay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeyn ciidamada booliiska u suuro-gashay inay toogasho ku dilaan.

Taliye kux igeenka booliiska Somalia, Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in lagu guuleystay in ruuxan ku hubeysan bastooladda la dilay, kaddib markuu isku dayay inuu dilo askari hawlihiisa sugidda amniga ku jiray.

“Ma jirto cid kale oo ay waxyeello kasoo gaartay iska-horimaad kooban oo ka dhacay halka lagu toogtay ruuxan ka tirsan argagaxisada,” ayay Zakiya u sheegtay wrabaahinta, iyadoo sheegtay in hawlahooda sugidda amniga ah ay halkooda kasii wadayaan.

Ugu dambeyn, xilliyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo shacab iyo askar ka tirsan ciidamada DF, iyadoo falalkaan ay imaanayaan xilli weli ay xiran yihiin qaybo badan oo ka tirsan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

PUNTLAND POST