
Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe waxaa ku xiran taliyihii Laanta denbi-baarka CID-da ee gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali kadib markii maalmo ka hor lagu soo xiray amar uu bixiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Taliyaha ayaa sida la sheegayo lagu soo eedeeyay in uu bixiyay macluumaad la xiriira baaritaanka kiiskii Caa’isho oo shaki gelin kara sax ahaanshaha xukunkii lagu riday saddex nin oo ku eedaysan in ay kufsi iyo dil u gaysteen gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan.
Qareennada difaacaya saddexda eedaysane ayaa marar kala duwan ku dooday in hannaanka loo baaray kiiska Caa’isha ee adeegsiga dheecaanka hidde-sidaha DNA aan macluumaad buuxa laga bixin taasina ay shaki gelinayso xukunka ku dhacay eedaysanayaasha.
Sidoo kale waxaa saddex jeer dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda rafcaanka ee ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha oo hore maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal dil ku xukuntay.
Dacwadda rafcaanka ayaa mar kale la go’amiyay in dib loo dhegaysto maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.