Kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray Farmaajo iyo Ergayga cusub ee Q/Midoobay

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay.

James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa tilmaamay inuu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahad-celiyey DF soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka.

Ergaygan ayaa wuxuu bedelayaa ergaygii ka horreeyay oo billowgii sannadkan 2019-ka ay eriday Dowladda Somalia, kaasoo lagu magacaabi jiray, Nicholas Haysom, kaddib markii lagu eedeeyay inuu soo fara-geliyay arrimaha gudaha Somalia.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman.

Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

PUNTLAND POST