Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa malayshiyaadka Al-shabaab kala wareegay degaanno cusub oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Degaannada ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka saareen Al-shabaab ayaa waxaa kamid ah Shanlow, Saarsaare, Cadayga iyo Xanshooleey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada.
Sidoo kale, saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhan ka ah malayshiyaadka Al-shabaab, ilaa laga sifaynayo degaannada ay kaga harsan yihiin gobolka Shabeellaha dhexe.
PUNTLAND POST