Xasan Cali Kheyre: Miyaa lagu hungoobey? Mise?

Muddo hadda laga joogo, laba sannadood iyo badh ayuu Raiisal Wasaare ahaa Xasan Cali Kheyre. Taas oo kasoo bilaabmatey 1-dii – Maarso ee sannaddii 2017kii. Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya, uu digreeto ku magacaabey 23-dii – Febraayo, 2017kii Xasan Cali Kheyre. Halka Golaha shacabkuna ay ansixiyeen codeyntiisa dabaddeed 29-kii Maarso. Rejo baahsan, aadna u mugweyn baa laga qabey labada mas’uul ee talada dalka gacanta ku dhigey.

Ololihii hore, ee uu sameeyey Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa shacabka Soomaaliyeed quluubtooda gilgiley, oo in uun u bidhaamiyey naallo soo noqotey. Durbadiiba, waxa uu Xasan lasoo ifbaxey aftahannimo, uu ku sakhraamiyey shacabkii Soomaaliyeed. Riyaaqa iyo taageere xadkiisii dhaafey buu kasbadey, kaas oo horseeday in la illaawo waxyaabo badan, oo loo baahnaa in caqliga Soomaaligu uu isweyddiiyo.  Anigeygan, qoraalka qoraya waxa aan kamid ahaa shacabkaas, jidboodey oo weyddiimaha tirada badan aan xasuusanba. Wuxuuna iila muuqdey, nin Eebbahay ku galladey sifooyin badan oo aan siyaasiyiinta Soomaalida, muddo ku arag. Waxa kamid ahaa waxaa iiga dhex muuqdey Xasan: Daacadnimo, Soomaalinimo Jaceyl, Deddaal badan, Waddani, Maamule wanaagsan, Siyaasi aragti fog iwm.

Horaa, se Soomaali ugu maahmaahdey “Caano daatey, debadood la qabey e” muddo laba sanno iyo googo’ ah ayaan weyddiimihii dib isu weyddiiyey. Waxaan isweyddiiyey Xasan Cali Kheyre waa kuma? Halkuu ka yimid? Goormuu siyaasadda ku biirey? Siyaasadda Soomaalida goormuu kusoo biirey? Background jaadkee ah ayuu leeyahay? Ma Waddani dhab ahbaa? Hadalladan badan fal maku daraa? Waxqabad intee le’eg buu ku tallaabsadey muddadaas uu xilka hayey? Waa jaadkee siyaasaddiisa guddeed? Tiisa dibaddeed? Iwm. Haddaba waxaan isku deyi doonaa inaan guudmar ku sameynno sooyaalka ama taariikhda shakhsiyadeed ee Xasan Cali Kheyre?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre

Xasan wuxuu ku dhashey tuulada loo yaqaan Jacar, oo ilaa 50km u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, hilaaddii 1968-kii. Wuxuu muddo kaddib, usoo hayaamey magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, halkaas oo uu Dugsigii Hoose/Dhexe iyo Sare ba ku dhammesytey. Kaddib 1991kii, markii dalku burburey, ee dagaalladu bilaabmeen, Xasan wuxuu u soo qaxey dalka Norwey. Dabaddeed muddo afar sanno ah kaddib, oo ku beegan 1994kii ayaa uu bilaabmey Jaamacadda Osolo, gaar haan Kuliyadda Political Science, halka minor ay u aheyd Sociology. Wuxuuna ka qalinjebiyey sannaddii 1998-kii. Intaas kaddib, wuxuu bilaabey Master of Bussiness Adminisration(MBA) oo uu ka bilaabey Jaamacadda Edinburgh Bussiness School, gaar ahaanna Dugsiga heerka labaad ee Ganacsiga Heirot-Watt University. Wuxuuna qalinjebiyey sannaddii 2001-dii. Heerkiisa aqooneed waa intaas. Bal haddana aynu jalleecno heerkiisa khibradeed ama shaqo, oo laga soo bilaabo ilaa markaas uu waxbarashada Academic ah dhammeystey oo ah 2001-dii.

Xasan qalinjebintiisa kaddib, wuxuu shaqo ka bilaabey hay’adda Qoxootiga ee Norway “Norwegian Refugee Council – NRC” waxayna markaas aheyd 2002-dii. Waxaana uu ahaa isku xidhaha xarumaah hay’adda NRC-da. Xasan wuu ka tagey shaqadii muddo yar oo kooban kaddib, isagoo isku dayey in uu bilaabo Ganacsi iwm. Balse sannaddii 2006dii, ayuu kusoo noqdey hay’addii uu ka tagey ee NRC-da. Wuxuuna sii joogeey illaa muddo sagaal sannadood ah. Wuxuuna noqdey Agaasime heer gobol, gaar ahaan oo loo magacaabey Agaasimaha Geeska Afrika ee hay’adda NRC-da. Markaas uu ahaa Agaasimaha Geeska Afrika, oo ku beegan 2012-kii, gaar ahaanna bishii Juun. Waxa Badeecaddii hay’adda NRC ayaa laga soo weerarey Waqooyi-Bari Kenya “NFD” taas oo la diley mid kamid ah darawalladii, halka kuwo kale-na la dhawaacey. Halka afar qof oo ajanabi ahna la afduubtey.

Dabaddeed, muddo afar maalmood ah ajnebigii waa lasoo daayey. Waxaana ay Maxkamadda Norwey, ku eedeysey mas’uulkii Hay’adda ee aaggaas oo ahaa Xasan Cali Kheyre, in ay arrintani sabab u tahay diyaar garow la’aan ama habeysnaan la’aan amni, oo isaga dhankiisa ahaatey. Kaddib Xasan Cali Kheyre, waxa uu la shaqeeyey 2013-ka wixii ka dambeeyey shirkadda shidaal baadhista ee Soma Oil and Gas. Waxaana loo magacaabey Agaasimaha Fulinta shirkadda ee qaaradda Afrika. Shirkaddani, waa shirkad Ingiriis ah, waxayna  ku shaqo leedahay, shidaal sahaminta Soomaaliya.  Haddaba Febraayo, 2016-kii ayaa Qaramada Midoobey, warqad u direen diblumaasiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Norway, kuwaas oo ay ku tilmaamayaan in Xasan Cali Kheyre ay baadhayaan Guddida ilaalinta Soomaaliya iyo Eriteriya ee Qaramada midoobey “United Nations Monitoring Group for Somalia and Eriteria”, taas oo ay ku tilmaamey in Agaasimaha Fulinta Soma Oil Gas ee Afrika Xasan Cali Kheyre, uu baadhitaan ku socdo la xidhiidha in lagu eedeeyey in uu ay jiraan xadhko uu la leeyahay ururada argagixisada, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika ee Al-Shabaab.

Kaddib, haddana 17-kii Febraayo ee isla sannadkaas 2016-kii ayaa ay caddeeyeen, in waxba lagu waayey Mr. Kheyre, dhammaan eedaha loo soo jeediyey oo dhan. Walow, ay se tilmaameen in weli shaki arrintaa la xidhiidhaa uu jiro. Intaas kaddib, Xasan Cali Kheyre waxa uu shirkaddii Soma Oil Gas iska casiley 23-dii – Febraayo, 2017-kii. Taariikhdiisa, intaas ayey ku egtahay. Bal haddaba, waxaan isweyddiiyey arrimahan soo socda! Sidee baa qof badeecaddii NRC-da u sameyn kari waayey qorshe ammaan oo adag, ayunu dal dhan oo burburey dib u dhiskiisa ugu aaminney? Sidee baa qof aan khibraddiisu dhaafsiisneyn Agaasime hay’addeed loogu aaminey Raiisal Wasaaranimadii dalka? Isagoon weligii Agaasime Wasaaradeed, Xoghaye Wasaaradeed ama Ku-xigeen Wasiir soo noqon? Ee aynnu keliya hal mar u saarney kursigii dalka ugu sarreeyey ee Raiisal Wasaaranimada? Sow haggardaamo iyo god katuur dawladdeena ah maaha?

Waxa kale ee la yaabka lihi, waxa ay tahay sidee baa qof loogu eedeeyey xadhko aragagaxiso in uu la leeyahay Al-Shabaab, loogu doortey Raiisal Wasaaraha dalka? Miyaan background-kiisa hore la baadhin? Khibraddiisa hore la baadhin? Cidduu yahey la baadhin? Arrintani waxa ay ka turjumeysaa, mooganaanta ay shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dharaar iyo habeen. Waana sababta illaa hadda aan loo heynin wax waxqabad ah, oo uu dalka kusoo kordhiyey Xasan Cali Kheyre, aan ka aheyn booto iyo hadal uu fagaarayaasha kaga dhurmo. Wuxuu ku celceliyaa isla xisaabtan iyo waddaninimo, balse isaga ayaa ay tahay in lala xisaabtamo, oo la hubiyo in uu waddani yahay iyo in uu khaa’in yahay?

Arrinta kale, baa waxa ay tahay shirkaddii u dambeysey ee uu Xasan Cali Kheyre ka shaqeynayey waa shirkad rabta in ay sahansato shidaalka ku jira dalkeenna. Si kasta oo loogu fududeyn karo helistiisana waa ay u mareysaa. Shirkaddan Soma and Oil Gas, markii ay sahamisey ceelasha shidaalka Soomaaliiya, waxa durbaba qeylo dhaan ka muujisey dawladda Kenya. Arrintanna, in loo fiirsado ayaa ay mudantahay sababtoo ah Kenya iyo shirkaddanba waxa aynnu maqalney waa intii dawladda Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre timid. Mar ka horreysey, oo aynnu maqalney ma jirin? Dherigana waxa kulka ka keena waa kuleylka ayaa hore loo yidhi. Xasan Cali Kheyre, waxa uu u egyahay nin u jooga dilaalidda shidaalka Soomaaliya, una dilaalaya shirkadda Soma and Oil Gas. Doorashadiisiina in dawladda Nabad iyo Nolol soo bixisteeda ay gacmo shisheeye ku lug leeyihiin shaki kuma jiro.

Xasan Cali Kheyre, waxa keliya ee immika u hadhey waa sannad iyo lix bilood. Qodobo la taaban karo, oo uu ku dhaqaaqeyna ama uu qabteyna ma jirto. Carruur baa magafe laga soo daayey oo keliyana, wax shacabka Soomaaliyeed lagu aamusiin karo ilama aha aniga agteyda. Waxaan hadal iyo afka noolnimo aheynna Xasan waa laga waayey. Waxaa, se ay u egtahahay in Maxamed Farmaajo uu Xasan u doortey, mashquulinta iyo aftahannimo ku sixridda shacabka Soomaaliyeed. Waxay, se shacabka Soomaaliyeed, muddooyinkan garowsadeen luggooyada iyo hungowga uu horseedka ka yahay Xasan Cali Kheyre, iyo in lagula khaldamey kursigaas Raiisal Wasaaranimada!

Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Hargeisa, Somalia

Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qofka ku saxiixan, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga aragtida.