Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada 26 juun ee ay xoriyada ka qaateen guumaystihii Ingiriiska gobolada waqooyi ee dalkeena.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha Xoriyadu ay yihiin kuwo mudan in la wayneeyo oo jiilka Cusub la dareensiiyo qiimaha ay ku fadhido madaxbanaanida iyo wadajirka dalkeena.
Caawa oo kale ayay ahayd habeenkii ugu horeeysey ee dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taago calankeena buluuga ah ayada oo 26-June-1960 waqtigan oo kale laga taagey bartamaha magaalada Hargeysa .
PUNTLAND POST