Villa Somalia oo fursad dahabiya u abuurtay mucaaradkeeda

Falanqeeye sare, Saalim Siciid Saalim oo kamid ah khabiirada sida dhow ula socda arrimaha siyaasadda Soomaaliya kuna nool Garoowe, ayaa faallo kooban ku cabbiray jaah-wareerka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Qaybtii 1aad is hardanka Xaaf iyo dawladda federaalka waxaa muuqata in Xaaf lagu diray oo Dhuusamareeb laga saaray, lana kala furay isaga iyo Ahlu-sunna” ayuu yiri Saalim.

Balse, wuxuu aaminsanyahay in xifaaltan u dhexeeya  dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah uu ka bilwoday Galmudug, uuna saamayn ku yeelan karo xaaladda aloosan.

Qaybta labaad ee hardanka oo tan ugu adag ah ayaa siyaasiyiin mucaarad ku ah dawladda federaalka mar horeba iska xaadiriyeen Cadaado oo ay halkaas ugu yeerteen Xaaf” ayuu sii raaciyay.

Mr Saalim ayaa qaba  in kooxda la baxday Ahlu-sunna Waljamaaca aysan kalsooni badan ka haysan siyaasiyiinta iyo qabaa’ilka deggan Galmudug, taasina ay horseedi karto in kafadda siyaasadeed u wareegto dhanka Cadaado ee Xaaf iyo mucaaradku joogaan.

Siyaasiyiinta iyo badi qaa’ilka Galmudug waxay u arkaan Ahlu sunna koox diimeed xagjir ah oo ma doonayaan inay hoos farsiistan maamul ay xoog ku leeyihiin, waxaana tan keenaysa in hadda badi siyaasiyiinta iyo qabaailka maamulka isugu tagaan Cadaado”.

Wuxuu intaasi raaciyay, in haddii sidaasi dhacdo ay fursad u abuurayso siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Damu-jadiid oo haatan isu muujinaya in ay la safanyihiin madaxweyne Xaaf, iyadoo ay cidlo soo istaagi doonaan Villa Somalia iyo Ahlu-sunna, haddii miisaanku u liico dhanka Cadaado.

Waxaase uu xusay in siyaasiyiinta mucaaradka laftoodu ay musharrixiin gaar ah u wataan doorashada Galmudug aysan taageero Xaaf u aadin magaalada Cadaado, balse sida uu sheegay fursad ay ka arkeen kala’boodista Xaaf iyo Ahlu-sunna.

Siyaasiyiinta u badan mucaaradka ee Damul Jadiid iyo Daljir iyo rag kale waxay aad ugu faraxsanyihiin kala haadka Xaaf iyo Ahlu-sunna waxayna haatan isu diyaarinayaan sheeka ah “allaw kala guurka Xaaf iyo Ahlu-sunna dabadooda naga risaaq” oo waxay ku taamayaan doorasha dhaqso uga dhacda Cadaado oo ay musharixiin ay wataan kasoo baxaan” ayuu yiri Saalim.

PUNTLAND POST