RW Khayre iyo Xaaf oo kulammo ka kala wada Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado

Cadaado (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa xalay gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, halka Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre uu ku sugan yahay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug.

Labada mas’uul ayaa kulammo gooni-gooni ah kawada degmooyinka ay ku kala sugan yihiin, inkastoo Xaaf uu hadda u janjeersaday dhanka dowladda dhexe uuna ku baaqay in la qabto doorasho.

Ducaalle ayaa sheegay inuu burburay heshiiskii ay Galmudug iyo Ahlusunna horay ugu kala saxiixdeen dalka Jabuuti, kaasoo Ahlusunna ay ugu biirtay dowladda Galmudug, balse dowladda dhexe ayaa weli qabta I heshiiskaas uusan waxba iska bedelin.

Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Galmudug uu kulammo kala duwan la leeyahay wafdi ka socda Dowladda dhexe oo gaaray halkaas, kuwaasoo ay ku jiraan xildhibaano iyo senater-ro kasoo jeeda deegaannada Galmudug.

Kulammadan ayaa waxay intooda badan salka ku hayaan sidii loo badbaadin lahaa Galmudug, waxaana uu Geelle qabaa hadda in la qabto doorashada Galmudug, isla markaana uu ka mid yahay musharraxiinta u taagan in xilkan ay qabtaan.

Dhanka kale, RW Somalia ayaa isagana kulammo kala duwan la leh xubno ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca, isagoo kala hadlaya sidii Dhuusa-mareeb ay uga dhici lahayd doorashada Galmudug, taasoo dowaldda Federaalka ah ay doonayso inay dhacdo bisha soo socota horraanteeda.

Khayre iyo Sheekh Shaakir oo ah hoggaamiyaha Ahlusunna ayaa la sheegay inay kulammo aan kala kac lahayn ku leeyihiin Dhuusa-mareeb, iyagoo isku dayaya in xubnaha ka tirsan maamuka Galmudug ee ku sugan Cadaado la keeno Dhuusa-mareeb, si doorashada loogu qabto.

Ugu dambeyn, kulammadan kala duwan ayaa waxay muujinayaan inuu weli jiro khilaafkii ka taagnaa Galmudug, kaasoo aan xal loo helin, balse lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafkan oo gaaray meel aad u sarreysa.

PUNTLAND POST