Faahfaahinta Khasaaraha qaraxii ka dhacay Af-urur

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa qarax duhurnimadii maanta ka dhacay tuulada Af-urur ee gobolka Bari oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.

Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miino dhulka la sii geliyay ayaa ku qarxay meherad laga shaaho oo ku taalla gudaha tuulada Af-urur halkaasi oo ay fadhiyeen askar ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland iyo dad shacab ah sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Waxaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 5 ruux oo 3 kamid ah ay askar ahaayeen halka ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo kale kuwaasi oo 2 kamid ah la sheegayo in dhaawacyadoodu aad u fudud yihiin oo firirro yar yar gaareen.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid loo qabtay qaraxa iyo cid sheegatay midna balse malayshiyaad ka tisran Al-shabaab ayaa ku dhuumaalaysta buuraleyda ku xeeran tuuladaa Af-urur oo hostimaadda Calmadow.

Al-shabaab ayaa mar qabsaday tuulada Af-urur horraantii bishaan June kadib markii ay ka baxeen ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland balse 3 maalmood kadib ay isaga carareen waxaana halkaasi dib ugu laabtay ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST