Dowladda Somalia oo ka hor-timid inay Kenya hogaamiso ciidanka ilaalada biyaha Somalia

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku gacan-sayrtay go’aanka kooxda xiriirka Somalia ay ku doorteen in xukuumadda Kenya ay ku hoggaamiso hawl-galka la dagaallanka burcad-badeedda ka qawlaysta xeebaha Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in DF aysan u hoggaansameyn go’aan kooxda xiriirka Somalia ay dalka Kenya ugu doorteen in ay noqoto guddoomiyaha labada sano ee soo socota ee burcad-badeedda Spmalia lagula dagaalamayo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in hadda aysan jirin burcad-badeed lala dagaallamo labada dal ee Kenya iyo Somalia ay u dhaxeyso xurguf dhinaca badda ah, taasoo dacwaddeedu ay taallo maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Cawad, ayaa sheegay in ururka xiriirka Somalia ee la dagaallanka burcad-badeedda Somalia ay dhamaatay hawshiisa ayna ku guuleysteen sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku intaas ku daray, in wax xiriir ah aysan la lahayn go’aanka kooxda xiriirka Somalia ay ku doorteen Kenya iyo damaca Kenya ee la xiriira biyaha Somalia.

Dhanka kale, Wasiirku wuxuu beeniyay in ciidan Keenyan ah ay ilaalinayaan biyaha somalia, isagoo xusay in ciidammo isku-dhaf ah oo ka socda ururka xiriirka Somalia ay yihiin kuwa hawsha wada.

Ugu dambeyn, Wasiir Cawad oo la hadlayay Idaacadda VOA-da ayaa xusay in Somalia ay ka war-sugeyso go’aanka maxkamadda ICJ, taaso la xirriirta xukunka badda, inta ka horreysana aysan qaadi doonin tallaabooyin dheeri ah.

PUNTLAND POST