Booliska Kenya oo shaaciyay cabsi laga qabo in la weeraro Deegaanno kala duwan

Nairobi (PP) ─ Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ee Somalia ay doonayso inay weerarro aad u culus kusoo qaadaan gudaha dalka Kenya, iyagoo aan sheegin xilliga laga yaabo inay weerarradaas dhacaan.

Saraakiisha ciidamada amniga Kenya, ayaa sheegay in xogta ay hayaan ay sheegayso in Al-shababa ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay ayna dhici karto inay weerar culus ka geystaan gudaha Kenya.

Mas’uuliyiin u hadlay hay’adaha amngia Kenya ayaa xusay in ciidamadoodu ay billaabeen hawl-gallo ay uga hor-tagayaan weerarradan, iyadoo goobaha ay hawl-gallada laga billlaabay ku sheegay inay ka mid yihiin magaalooyinka ku yaalla xuduudaha ay Somalia iyo Kenya wadaagaan; Sida Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera.

Sidoo kale, Booliiska Kenya ayaa sheegay in goobaha laga cabsida qabo inay weerarraan ciidamada Kenya ay ka mid yihiin; Sheikh Barrow, Arabia, Fino, Damasa Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Elrhamu iyo Garsesala oo hoos-taga Mandheera.

Waxay kaloo booliisku sheegeen in goobaha baqdinta laga qabo ay ka mid yihiin; Kotulo, Mansa, Boji, Diif, Konton iyo  Khorof Harar, oo dhamaantood ka tirsan is-maamulka Wajeer, sidoo kalena; Liboi, Kulan, Hulugho, Bodhai, Boni forest, Galmagala, Amuma iyo Hamey oo ka tirsan Gaarisa ay Kooxda Al-shabaab ka geysan karto weerarro.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin digniinta ay ciidamada Kenya soo saareen, waxaana kooxda ayaa dhawr jeer oo hore weerarro khasaare badan dhaliyay ka geystay gudaha Kenya, kuwaasoo ay ku jireen midkii ay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawaanahan wadday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayso inay weerarro uga geysto gudaha Kenya, iyadoo dhawr jeer oo horena ugu hanjabtay Kenya inay dagaal adag la galayso, maadaama ay uga sugan yihiin Somalia ciidammo fara badan oo qayb ka ah AMISOM.

PUNTLAND POST