5 ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay tuulada Af-Urur ee gobolka Bari

Wararka ka imaanayaa tuulada Af-Urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi haatan qarax lagula beegsaday ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee ku sugan tuuladaasi.

Qarax miino nooca dhulka la geliyaa oo ku qarxay meherad ay fadhiyeen askar iyo dadk shacab ah ayaa mudda 30 daqiiqo ka hor ah ka dhacay tuulada sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ugu yaraan 5 ruux oo  3 kamid ah askar yihiin ayaa ku dhintay qaraxa halka ay ku dhaawacmeen 7  ruux oo kale siday sheegeen dadka degaanka.

Faahfaahin intaasi ka sii badan lagama hayo khasaaraha qaraxa waxaanse idiin soo gudbin doona saacadaha soo socda.

PUNTLAND POST