Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaaca ee lagu soo saxiixay waddanka Djibouti.
Madaxweynaha Galmudug ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray sidoo kale ku ogolaaday in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka iyo in wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka ay Galmudug kala shaqeyso qabashada doorashadaasi iyo in dib u-heshiisiin la sameeyo.
Waxaa kale oo uu war-saxaafadeedka ku xusay in doorashada ay ka dhacayso magaalada Cadaado oo sida uu sheegay noqon doonta caasimadda ku meel-gaarka Galmudug isagoo caddeeyay in uu dhammaaday khilaafkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.