Villa Somalia oo taariikhaysay doorashada Galmudug

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay  in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono  4 bisha soo socota ee July sannadkan 2019.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu sheegay  in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4 bisha Julay ayna ka dhacayso magaalo-madaxda DGGM ee Dhuusamareeb.

PUNTLAND POST