Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xog-haye cusub u magacaabay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Maxamed Dhabancad ayaa Xog-hayaha degmada Buurtinle lagu magacaabay Jaamac Cabdiraxmaan Abshir waxaana maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Buurtinle lagu amray in ay fuliyaan dhaqan-gelinta magacaabistaasi.
Degmada Buurtinle ayaa haatan leh maamul ku meel gaar ah kadib markii ay dhowaan is-wada casileen xildhibaannadii golaha degnaanka Buurtinle iyagoo wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ku eedeeyay in ay taageersantahay guddoomiyihii degmada oo ay ku tilmaameen mid ku fashilmay shaqadiisa.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.