Allaha u naxariistee waxaa geeriyooday Dr. Saalax Xaaji Cabdullaahi oo ahaa dhakhtar weyn oo laga yaqaaney dhamaan geyiga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ahaana khabiir takhasus dheer u leh cilmiga lafaha iyo daweyn tooda. Dr. Saalax wuxuu ku geeriyooday magaalada Nairobi oo uu halwo shaqo u joogay si kedis ah habeenimadii xalay.
Dr Saalax waxaa lagu xasuustaa asaaska cisbitaalka ugu weyn ee lafaha Soomaaliya ee Bilcil Hospital ee degmada Carmo. Cisbitaalka Bilcil wuxuu daboolay baahidii loo qabay in la helo cisbitaal lagu daaweeyo oo lagu kabo lafaha iyo xanuunada la halmaala ee kala duwan.
Cisbitaalka Bilcil ee degmada Carmo ee dhakhtarku asaasay waxaa looga yimaadaa qaybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in Dr. Saalax uu tababaro takhasus ah siisyey dhakhaatiir dhalin yaro ah kuwaas oo qaar kood ay ka hawl galaan cisbitaalka Carmo qaarna ay ka shaqeeyaan cisbitaalada kale ee dalka.
Bahda warbaahinta Puntland Post waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr. Saalax Xaaji Cabdullaahi Bilcil.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.