XAAF oo diiday inuu is-casilo iyo wadahadallo weli ka socda Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb (PP) ─ Wararka laga helayo degmada Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka Galmuduga ayaa sheegaya inay weli ka socdaan kulammo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka doorasho ee ka taagan Galmudug.

Madaxweynaha maamulkaas, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] ayaa diiday inuu is-casilo, kaddib markii ay sidaas ka dalbadeen ergo si gaar ah loogu diray, sidoo kale wuxuu diiday inuu qaato dhaqaale si uu u ogolaado in doorasho ay ka dhacdo Galmudug.

Xubnaha ka socda Dowladda Federaalka Somalia ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan Geelle iyo xubnaha ku fikirka ah in doorasho ay dhacdo bisha soo socota, si loo helo maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, balse weli waa la is-mari la’yahay.

Sidoo kale, Madaxweyaha Galmudug ayaa sheegay in wafdiga Dowladdu ay u dirtay Dhuusa-mareeb ay yihiin kuwo doonaya inay burburiyaan Galmudug oo uu sheegay in haddii aan la joojin fara-gelinta ay dhici karto ina dhacaan dhibaatooyin saameyn kara gobolka oo dhan.

Ciidamo taabacsan Xaaf ayaa ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb, kuwaas oo la sheegay inay halkaas u tageen sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee madaxweyne Xaaf, waxaana jirta cabsi laga qabo in Dhuusa-mareeb uu ka dhaco dagaal haddii la isku af-garan waayo wadahadallada socda.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo horay DF ugu biiray ayaa waxay kulammo gooni-gooni ah la leeyihiin wafdiga ka socda Dowladda Somalia, inkastoo aanay weli kulammadaas kasoo bixi qodobbo ay labadaan dhinac ay isla garteen.

Xukuumadda Somalia ayaa doonaysa in Galmudug ay ka dhacdo doorasho lagu soo xulanayo xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta maamulkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan dadaallada la doonayo in looga dhaadhiciyo mas’uuliyiinta maamulkaas inay doorasho ka dhaco Galmudug.

Ugu dambeyn, Maamulka Galmuduga ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka socday muranno ku aaddan dhanka maamulka, waxaana kooxda Ahlusunna ay ugu biireen kooxdaas heshiis ka dhacay Jabuuti, laakiinse weli waxay u muuqdaan kuwo budadoodu ay gaar ugu tuman tahay.

PUNTLAND POST