Faahfaahin ku saabsan Af-gambigii fashilmay ee ka dhacay Gobolka Amxaarada ee Itoobiya

Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in la dilay taliyihii guud ee ciidamada Itoobiya, Jen. Seare Mekonnen kaddib isku-day afgambi oo ka dhacay magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada Itoobiya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta la dilay uu sidoo kale ku jiro madaxweynihii is-maamulka Amxaarada dalka Itoobiya, Ambachew Mekonen waxaana la sheegay in xubnahan la dilay xilli ay shirk u jireen.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kooxaha weerarkan geystay ku tilmaamay kuwo qas-wadayaal ah, wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku raad-joogaan kuwii ka dambeeyay isku–daygan afgambi ee fashilmay.

“Kooxo qas-wadayaal ah ayaa dhibaatada ka dambeeyay, dad badan ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, waxaana socda isku-day lagu doonayo in lagu soo qabqabto kooxihii ka dambeeyay weerarka iyo kuwii soo abaabulay,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo shacabka dalkaas kala hadlay telefishinka.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Amxaarada ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay muddo saacado ah, isla markaana la gubay dhismayaal, waxayna ku dareen intaas in xaaladdu ay weli tahay mid kacsan.

“Xaalad caadi ah ayaa markii hore u qaadannay, balse markii dambe ayaan ogaannay in dagaal uu dhacay, waxaana maqlaynay rasaas culus oo muddo saacado ah socotay, inkastoo markii dambe ay iskeed u joogsatay,” ayuu ku yiri warbixin uu warbaahinta siinayay ruux goobjooge ah.

Aaladda Internet-ka ayaa laga jaray Itoobiya oo dhan, waxaana sidoo kale la sheegay in rasaas laga maqlay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, taasoo la sheegay inay ridayeen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garan weli.

Dhanka kale, warbixin wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay saakay ayaa lagu sheegay inay la socdeen rasaas culus oo xalay oo dhan ka dhacaysay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, laakiinse ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay wasaaraddu bixisay.

Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in dhibaatadan uu ka dameeyay mid ka mid ah xubnihii sirdoonka Itoobiya oo uu xabsiga kasii daayay RW Abiy Ahmed markii uu xukunka qabsaday, kaasoo aan la ogeyn illaa hadda halka uu ku dambeeyo.

PUNTLAND POST