Al-shabaab oo sheegay in ay askar badan ku laayeen gobolka Baay

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay askar badan ku dileen laba weerar oo ay degaanno ka tirsan gobolka Baay kula beegsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Sooomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka hore oo qaraxyo iyo dagaal toos ah isugu jiray ay dagaal-yahannadoodu ku qaadeen kolonyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo marayey  degaanka Mooda-mooda oo u dhexeeya degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay.

Weerarkaasi ayaa sida Al-shabaab sheegtay  ay ku dishay 10 askari halka ay ku dhaawacday 7 askari oo kale kuwaasi oo uu ku jiro nin taliye ah oo lagu magacaabo Axmed Dheere.

Weerarka labaad oo ayaa Al-shabaab sheegtay in malayshiyaadkoodu ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan nawaaxiga degmada Buurhakaba waxaana ay halkaasi ku dileen 3 askari oo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya sida ay qoraalka ku sheegeen.

Balse ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan in ay khasaaraha intaasi le’eg u geysatay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka hawlgala degaannadaasi.

PUNTLAND POST