Duqii hore ee Gobolka Banaadir oo ku baaqay in laga shaqeeyo nabad-galyada Galmudug

Muqdisho (PP) ─ Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa war kasoo saaray siyaasada maamulka Galmudug kaddib markii la sheegay in maanta halkaasi ay si xoog ah ku tageen mas’uuliyiin tirsan dowladda federaalka Somalia.

Taabid Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaaladda Galmudug, isagoo dowladda Somalia ku eedeeyay inay xagal-daacinayso sidii nabad ay uga dhalan lahayd Galmudug oo noqtay goob lagu hardamo.

“Wararka ka imaanaya Galmudug ma ahan kuwa hor-u-scod xambaarsan, iyadoo inta badan madaxda sare ee dowladda federaalku ay Galmudug ka soo jeedaan deegaan ahaan, in xal loo waayo waa baroortu orgiga ka weyn,” ayuu yiri Taabid Cabdi.

Sidoo kale, Duqii hore ee Xamar ayaa xusay inuu xog-ogaal u ahaa xaaladda Galmudug iyo sidii loo xaliyay khilaafkii sanadkii 2017-kii iyo heshiiskii dhex-maray Galmudug iyo maamulka gobollada dhexe ee Ahlusunna, wuxuuna ku baaqay in xaaladii shalay aan maanta looga darin.

“Waxaan xog-ogaal u ahay sidii far iyo suulinta lahayd ee lagu xaliyay khilaafkii 2017-kii ee Galmudug iyo heshiskii dhaxal-galka ahaa ee dhex-maray Galmudug iyo maamulkii Ahlusunna ee illaa maanta la harsanayo. Markaan way ka sahlan tahay sidii shalay ee yaanan looga darin,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaair ayaa hadalkiisa ku daray, Maalintii Kismayo lagu sameeyay golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo sabab u ahayd khilaafkii Galmudug haatan taagan, maanta way ka dhaw-dahay waa haddii xallinteeda dariiq xalaal ah loo marayo.”

Taabid Cabdi Maxamed ayaa talo u soo jeediyay madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa maamul-goboleedyada, isagoo yiri. “Hogaanka maanta heer federal iyo heer dowlad-gobolleed iyo kuwii horeba waxaan kula talinayaa idinka ha isku muuqaninee adeegga umadda ha idiin muuqdo. ummad amni iyo adeeg u baahan yaanan dhaanto siyaasadeed lagu dul cayaarin.”

Ugu dambeyn, Maamul-goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka taagan xiisado ka dhashay doorashooyin ay sheegtay DF inay bisha soo socta ka dhacayaan Galmudug iyo Madaxweynaha maamulkaas oo kasoo horjeestay, waxaana ka socda Dhuusa-mareeeb kulammo la doonayo in dhinacyadu ay hal meel isku raacaan.

PUNTLAND POST