Ciidammo ka socda Uganda oo lagu wado in la keeno Somalia iyo cabsi laga qabo EBOLA

Kampala (PP) ─ Dalka Uganda oo ka mid ah dallaka uu ka jirto cudurka halista ah ee EBOLA ayaa ku dhawaaqay inuu Somalia u dirayo ciidammo ka mid ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, taaso cabsi weyn gelisay shacabka Soomaaliyeed, inkastoo dowladda Somalia aysan ka hadlin arrintaan.

Ciidanka ay xukuumadda Kampala u soo dirayso Somalia oo booliis ah ayaa tiradooda lagu sheegay 160 askari, kuwaasoo dhawaan dhameystay tabar, waxayna ciidamadan isugu jiraan rag iyo dumar tababar wanaagsan qaatay.

Guddi loo xil saaray qiimeynta ciidamadaan booliska ee la doonayo Somalia in lasoo dooro ayaa dhawaan gaaraya Uganda, kuwaasoo booqan doona xerada ay tababarka ku qaadanayeen saraakiishan ee Kabalye.

Sidoo kale, Taliye ku xigeenka booliska Uganda ee qaybta nabadda Benjamin Namanya ayaa sheegay in saraakiisha booliska ee Uganda ay Somalia tegi doonaan dhammaadka bisha soo socda ee sannadkaan.

Hawl-galka ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa wada qorshe lagu dhimayo milatariga, isla markaana lagu bedelayo boolis, wuxuuna qayb ka yahay qaraarka qolaha amaanka ee QM ee faraya in Dowladda Somalia ay amniga dalkeeda kala wareegto ciidamada AMISOM marka la gaaro sanadka 2021-ka.

Dalka Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee ciidammo u soo dira Somalia sanadkii 2007-dii, kuwaasoo markii dambe isku bedelay hawlgalka AMISOM ee hoos-taga Midowga Afrika, ayna dhaqaalaha badan ku bixiso Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn, Cabsi weyn ee taagan ayaa ah in ciidamadan ay sababu u noqon karaan in dalka uu soo gaaro cudurka halista ah ee EBOLA, kaasoo dhawr qof ku dilay dalka Uganda, cabsi weynna laga qabo inuu faafo.

PUNTLADN POST