
Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal, ayaa shaaciyay in uu dacwad ka gudbiyay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda Puntland iyo hay’adaha madaxa-bannaan oo sida uu sheegay bixin waayay canshuurtii ku waajibay.
Wasiirka oo shalay ka hadlayey shir ku saabsana kicinta iyo kor u-qaadidda canshuuraha oo Garoowe lagu qabtay, ayaa sheegay in uu dacwad ka gudbiyay qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha bixin waayaycanshuurta ku waajibtay,islamarkaana qoraal-dacwadeed ka geeyay Xeer-ilaalinta, Hanti-dhowrka guud iyo madaxtooyada Puntland .
Abgaal ayaa sidoo kale ku hanjabay in uu dacwad ka gudbin doono, wasaaradaha iyo hay’adaha aan weli bixin canshuurta dowladda” annaga wasaaradii iyo hay’addii aan ka wayno canshuurihi ku waajibay dacwad baan gudbinaynaa” ayuu yiri wasiirka.
Waxaa kale oo uu xusay in qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland ay Maaliyaddu dhaqaalihii ka joojisay, kadib markii ay bixin waayeen canshuurta”Haa way jiraan hay’addo bixin waayay Cashuurta Mashaariicda dhex marta dacwadna waan ka gudbinay adeegiina waan ka joojinay ” ayuu yiri sii raaciyay Xassan Abgaal.
Halkan hoose ka daawo hadalkiisa
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.