Kulan Qarsoodi ahaa oo Muqdisho ku dhex-maray Farmaajo iyo Guddoomiye Baarlamaan

Muqdisho (PP) ─ Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamul-goboleedka Hir-shabelle, Cusmaan Barre Maxamed oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa warar kala duwan oo kasoo baxaya ay sheegayaan in waxyaabihii looga hadlay aanay illaa hadda aan laga soo saarin wax war ah.

Balse, wararka hoose oo la helayo ayaa sheegay in la iskula soo qaaday sidii loo xalin lahaa xiisadda ka taagan Baladweyne ee ka dhalatay xilka qaadiistii guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed].

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay muranka ka taagan degmada Jowhar oo ka dhashay fasaxa xubnaha baarlamaanka Hir-shabelle, kaasoo lagu eedeeyay inuu bixiyay guddoomiyaha, waxaana taasi ay dhalisay muran xooggan oo aan weli xal loo helin.

Dhanka kale, waxaa socda wadahadallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaaf ka dhashay xil-ka-qaadistii Yuusuf Dab-geed oo gaaray meel xun, uuna ku naf-waayay taliye ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagnaa xilliyadii lasoo dhaafay muran xooggan oo ka dhashay xilal la isku bedelay, waxaana ay u muuqataan xilligan in Yuusuf Dabo-geed loo dhaafi doono xilkiisii hore si loo xalliyo khilaafka taagan.

PUNTLAND POST