Kenya oo dadaal weyn ugu jirta sidii muranka Badda loogu dhameyn lahaa hab is-faham ah

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay u joojin lahayn in go’aan ku aaddan muranka badda ee Somalia kala dhexeeya uu kasoo baxo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo horay loogu gudbiyay dacwad ku aaddan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa booqasho ku tagtay dalka Jabuuti waxayna kulan la qaadatay madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo intiisa badan ay uga hadleen muranka badda ee labada dal u dhexeeya.

Monica Juma, ayaa qoraal ay ku daabacday booggeeda Twitter-ka ku xustay inay ku farsaxsan tahay la kulanka madaxweynaha Jabuuti, ayna u gudbisay qoraal ay uga siday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasoo salka ku hayay muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Kenya ayaa dhawaan ku eedeysay Xukuumadda Somalia inay abuureyso is-baheysi geeska afrika ah, iyadoo sheegtay in Madaxweynaha Somalia uu la kulmay madaxweynayaasha Tanzania iyo Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii muran badeedka kala dhaxeeya Somalia loogu xallin lahaa meel aan ahayn maxkamadda, iyadoo qoraal arrintan ku saabsan dhawaan u dirtay golaha ammaanka ee QM, si ay uga hadlaan go’aanna uga soo saaraan.

Dhanka kale, Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in biyaha ay Somalia isku haystaan haddii loo xukmiyo Somalia ay horseedi karto in dalal badan oo ku yaalla Afrikada ay ku murmi doonaan biyo-badeedyada u dhexeeysa, kuwaas oo ay ka xustay; Kenya, Tanzaniya, Mozambique iyo Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay u baajin lahayd go’aanka maxkamadda ICJ oo la sheegay inuu u muuqdo mid ay Somalia ugu xukumi doonto biyaha lagu muransan yahay, waxayna Kenya billowday inay cadaadisyo kala duwan saarto Somalia.

PUNTLAND POST