Dalalka ku bahoobay IGAD oo shir ka yeeshay xaaladda adag ee ay ku sugan tahay Suudaan

Addis Ababa (PP) ─ Dalalka IGAD ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay uga hadleen xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxay shalay ku yeeheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyagoo isla gartay in si dhaqso ah wax looga qabto xaaladda Suudaan.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ka taagan xaalad is-mari-waa ah oo u dhexeysa xukuumadda ay ciidamadu hor-boodayaan iyo dadweynaha dalkaas, kuwaas oo ka biyo-diiddan in xukunka ay sii hayaan ciidamada, maadaama xilka laga qaaday madaxweynihii hore ee dalkaas, Cumar Al-bashiir oo xilka dalka Suudaan kula wareegay afgambi millateri.

Waddooyinka magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa intooda badan ah kuwo maran, iyadoo goobaha qaarkood lagu arkayo dhallinyaro baangado iyo toorreeyo wata oo taagan waddooyinka, kuwaasoo sheegay inay ciidanka dalkaas ka ilaalinayaan inay xaafadahooda soo galaan.

Sidoo kale, Wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD ayaa waxay ku baaqeen in la qabto shir deg-deg ah oo wax looga qabanayo xaalada Suudaan ku sugan tahay xilligan, isla markaana cadaadis la saaro ciidamada xukunka haya.

Dhanka kale, Wasiirrada shirka IGAD ka qayb-galay ayaa waxaa isugu jireen wasiirrada dalalka, Itoobiya, Somalia, Jabuuti, South Sudan, Kenya iyo wasiir-u-dowle ka socday dalka Uganda.

Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu dalka Sudan booqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed halkaasoo uu ka billabay inuu u kala dab-qaado dhinacyada isku haya awoodda maamul ee dalkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay wada-hadalladaas billowday marayaan.

Ugu dambeyn, Dalka Sudan ayaa waxaa ka taagan xaalad aan la qiyaasi karin halka ay ku dambeyn doonto, inkastoo madaxweynihii hore uu xabsiga ku jiro, haddana millateriga ayaa diiday dalab ka yimid dibad-baxayaasha oo ah in xukunka lagu wareejiyo rayidka.

PUNTLAND POST