Guddiga amniga golaha wakiilada Puntland ayaa si adag u dhaliilay wasaaradda amniga Puntland oo uu ku eedeeyay fulin-la’aan iyo wada’shaqeyn xumo.
Warbixin uu guddigu ka hor-jeediyay golaha wakiilada Puntland ayuu ku sheegay in wasaraddu aysan fulin qorshe ka kooban 10 qodob oo ku aaddanaa sugidda amniga Puntland.
Qodobada ay fulin wayday wasaaraddu ee guddigu xusay waxaa kamid ah la’dagaallanka argagixisada diiwaan-gelinta ciidamada iyo dhaqan-celinta xoogaga ka soo xerooda argagixisada.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay soo gudbin wayday warbixin tixraac leh oo ku saabsan amniga iyo nabadgelyada Puntland islamarkaana wasiirka wasaaraddaasi uu ka baaqsaday in uu horyimaado golaha.
Sidoo kale guddiga ayaa wasaaradda ku eedeeyay in ay dayacaday difaaca xuduudaha Puntland gaar ahaanna degaannada ay Somaliland ku soo duushay oo ay sheegeen in wasaaraddu fulin wayday qorshihii u degsanaa difaaca degaannadaasi.
Guddiga amniga golaha wakiilada Puntland waxa kale oo uu wasiirka amniga Puntland ku eedeeyay wada’shaqeyn xumo iyo in uuu jebiyay qodoba kamid ah Dastuurka Puntland islamarkaana askareeyay dhalinyaro khal-khal gelin ku haya amniga Boosaaso.
Sida guddigu sheegayo wasaaraddu waxa kale oo ay qaadda lacag sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn nidaamnka maaliyadda Puntland.
Ugu dambeyntii warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in Somaliland isu diyaarinayso dagaal ay ku soo qaaddo degmooyinka Badhan iyo Dhahar ee gobollada Sanaag iyo Hayland.
Hoos ka akhriso warbixinta guddiga





PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.