Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri Geeridii Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub?

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) oo shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Sangub oo ku geeriyooday Addis Ababa,” ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku saray. “Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise wuxuu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku wuxuu sidoo kale noqday askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Somalia.”

Sidoo kale, Abwaan Sangub waxaa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaasoo uu ku wacyigelin jiray shacabka iyo ciidamada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa EEBBE uga baryay marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

PUNTLAND POST