Dowladda Somalia oo shaacisay xilliga la qabanayo doorashada Maamulka Galmudug

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay xilliga ya dhacayso doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxda maamulka Galmudug, taasoo muran badan uu ka taagan yahay xilligan.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in dhawaan la qaban doono kulan dib u heshiisiin ah oo la isugu keenayo beelaha ku nool gobollada Galmudug, isla markaasna laga tashan doono qaabka loo wajahayo doorasho cusub.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa xustay inay muhiim tahay in la tix-geliyo xilli waqtiyeedka madaxda Galmudug oo ku eg – 04 bisha July ee 2019-ka, loona diyaar-garoobo doorashada cusub oo la doonayo inay noqoto mid xalaal ah.

Qodobbada lagu xusay bayaanka ayaa waxaa ka mid ah; in Glamudug ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay muddadii loo qabtay, iyadoo doorashadan lagu soo dooran doono xildhibaannada baarlamaanka Galmudug iyo sidoo kale madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.

Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa sheegtay in iyadoo garoowsan muhimadda uu leeyahay wada-tashiga iyo midnimada bulshada deegaannada Galmudug, ay shir dib u heshiisiineed ku baaqayoso, kaasoo ay isugu imaanayaan wax-garadka iyo hoggaanka dhaqanka Galmudug oo lagu xalliyo arrimaha maamulaas ka dhex-aloosan laguna magacaabo guddi farsamo oo daadihiya qaban qaabada shirkaas.

Haddaba AKHRISO: Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia;

PUNTLAND POST