Askari ka tirsan ciidamada ka socda Uganda ee ka tirsan AMISOM oo toogasho isku dilay

Muqdisho (PP) ─ Mid ka mid ah ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa is-dilay kaddib markii uu toogasho ku dilay askari kale oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM, waxaana maydadka labada askari goobta ka qaaday askar kale.

Askarigaan toogashada geystay ee markii dambe isagii is-dilay ayaa wuxuu ka socday dalka Uganda, lamana sheegin sababta dhabta ah ee askarigaan uu dilka ugu geystay askariga kale ee ay isla shaqeynayeen isagana uu isku dilay.

Richard Karemire oo ah fhayeenka wasaarada gaashaandhigga dalka Uganda ahna afhayeenka ciidamada Uganda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askari k atirsan ciidamadooda uu dilay askari kale isagiina uu is-toogtay, balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Sidoo kale, Dhacdadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa bil kaddib markii uu askari ka tirsan Ciidanka Uganda ee AMISOM ka tirsan uu toogasho ku dilay saddex askari oo kale, isagana uu is-dilay, sida uu sheegay Karemire.

Dhanka kale, dilalka ay askarta Uganda ka socda isugu geysanayaan gudaha Somalia ama ay shacabka u geystaan ayaa isis soo taraysay bilihii aanu ka soo gudbnay, taasoo walaac weyn ku abuurtay ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan.

Sanadkii 2016-kii ayuu Isaac Obua oo ahaa askari wuxuu toogtay todddoba askari oo ka mid ah askar ku sugnaa xerada millateriga ee Makindye ee dalka Uganda ka hor intii uusan isagu is-toogan. Bishii December 2018-kii maxkamadda ciidamada Uganda ayaa ku xukuntay Newton Okello 80-sano oo xabsi ciidan ah kaddib markii uu toogasho ku dilay haweeney uur leh ninkeeda iyo cunug ay dhaleen.

Ugu dambeyn, Dalka Uganda ayaa waxaa Somalia kaga sugan ciidamada ugu badan ee ka socda Midowga Afrika, kuwaasoo ka hawlgala qaybo kala duwan oo Somalia, waxaana falalkan dilalka ah ay isku geysanayana ay ka mid noqonayaa falalka foosha xun ee ay ku kaceen muddadii 10-san ahayd ee ay dalka ka hawl-galayeen.

PUNTLAND POST