Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar – MURSI

Qaahira (PP) ─ Waxay faahfaahin dheeraad ah kasoo baxaysaa geeridii ku timid madaxeynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo Dowladda waddankaas ay sheegtay inuu geeriyooday shalay isagoo la maxkamadeynayo, inkastoo aysan sheegin sababta ama xanuunka uu u dhintay.

Marxuum Maxamed Mursi ayaa oo 67-jir ahaa ayaa xabsi ku jiray muddo 7-sano ah, waxaana loo hastay eedeymo kala duwan oo uu ku sheegay inay dhammaantood yihiin kuwo been abuur ah oo uusan wax lug ah ku lahayn.

Wiil uu dhalay Mursi oo lagu magacaabo, C/llaahi Maxamed Mursi oo isagana la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegay in aabbihiis uu u geeriyooday xanuun, kaddib markii xukuumadda Qaahira ay ka joojisay dawooyinkii uu ku qaadanayay xabsiga gudihiisa.

“Xilligan ma garanayno halka maydkiisa lagu hayo, waxayna mas’uuliyiinta Masar diideen in marxuumka lagu aaso qubuuraha qoyskiisa oo Qaahira ku yaalla,” ayuu yiri C/llaahi Mursi oo sheegay inay nasiib-darro ah in aabbihii oo dhintay loo diido maydkiisa.

Sidoo kale, Wararka dheeraadka ah ee laga helay qoyskiisa ayaa sheegaya in marxuumku uu qabay cudurro badan oo ay ka mid yihiin macaanka ama sokorta, cudurro ku dhaca beerka iyo sidoo kale cudurro kilyaha uga dhacay balse dowladdu arrintaas kama aysan hadlin.

Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in xukuumadda Qaahira ay si xun ula dhaqantay madaxweynaha geeriyooday, isla markaana ay dhawr ku jir-dileen gudaha xabsigii uu ku xirnaa oo loo diiday inay ehelkiisa booqasho ugu yimaadaan.

Dhanka kale, Hay’adda xuquuqda aadanaha dunida ee Human Rights Wtach ayaa geerida Maxamed Morsi ku tilmantay mid aad u xun, laakiinse la filan karay, sababtoo ah dowladda Masar oo u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan.

“Xukuumadda Qaahira ayaa xambaareysa mas’uuliyadda geerida marxuum Mursi ku timid, sababtoo ah iyadaa u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan iyo xuquuqda aasaasaiga ah ee maxaabiista,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay HRW.

Ugu dambeyn, Maxamed Mursi ayaa muddooyin ka hor sheegay inuu filayo inuu xabsiga ku dhex geeriyoon doono, taasoo uu sabab uga dhigay cadaadis uu sheegay inay ku hayaan ilaalada xabsiga lagu hayo iyo xaalad caafimaad oo lasoo daristay.

PUNTLAND POST