Madaxweynihii hore ee Masar oo geeriyooday

Qaahira (PP) ─ Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa geeriyooday xilli maanta lasoo taagay makxamad, sida ay baahisay warbaahinta Masar ee ay maamusho dowladda.

Telefishinka Qaranka Masar ayaa sheegay in Mursi uu si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaal loola cararay, inkastoo aysan jirin faahfaahin intaas ka badan uu bixiyay telefishinka.

“Wuxuu ka hor hadlayay garsoorka maxkamadda muddo 20-daqiiqdood ah, balse si lama filaan ah ayuu u tabar-beelay, waxaa loola cararay  isbitaalka halkaasoo uu goor-dambe ku geeriyooday,” ayaa laga soo xigtay garsoorka makamadda.

Maxamed Mursi oo ahaa 67-jir ayaa sannadkii 2012-kii loo doortay inuu dalka Masar ka noqdo madaxweyne, wuxuuna ahaa madaxweynihii ugu horreeyay dalkaas oo si xor ah loo soo doorto, kaddib kacdoonkii dalkaas ka dhacay sannadkii 2011-kii, kaasoo xilka looga tuuray madaxweynihii isaga ka horreeyay Maxamed Xusni Mubaarak.

Sidoo kale, Mursi ayaa waxaa xukunka ka tuuray millateriga dalkaas, kaddib markii la dhigay dibadbaxyo sannadkii 2013-kii, taasoo keentay in Mursi la dhigo xabsiga, laguna eedeeyo inuu ku kacay falal qayaano Qaran ah.

Dacwadaha loo haystay marxuumka ayaa waxaa ka mid ahaa inuu ka mid ahaa urur ay ugu yeereen argagaxiso, kaasoo ah Akhwaanul Muslimiinka oo dalkaas laga mamnucay, wuxuuna dhawr jeer iska diiday dacwadihii lagu soo oogay.  

Mursi ayaa lala xukumay 23-ruux oo kale, waxaana mar ka mid ah isaga iyo dhawr qof oo kale lagu xukumay dil toogasho ah, inkastoo mar kale ay ku xukuntay maxkamad kale xabsi muddo dheer ah.

Ugu dambeyn, Lama oga halka lagu aasayo iyo cidda ka qayb-geli doonta, waxaana geeridiisa ay kusoo beegmaysaa iyadoo dalkaas uu weli xukumo madaxweynaha talada maroorsaday ee C/casiis Al-Siisi oo ka tirsan muddo dheer millateriga dalkaas.

PUNTLAND POST