Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka daah-furay qoraalka Manhajka waxbarashada Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah furay qoraalka Manhajka Waxbarashada Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Faarax , agaasimaha Waaxda Manaahijta, Abdulqaadir Yuusuf Nuux , xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, iyo madax ka socota hay’adda UNICEF iyo Midowga Yurub ayaa ka qeyb galay daahfurka Manhajka.

Mashruucan qorista Manhajka ayaa socon doono muddo saddex bilood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo isniin ah , waxaana maal gelinaya mashruuca Global Partnership.

Barnaamijkan ayaa xoogga lagu saari doonaa kor uqaadida tirada ardayda iyo tayada ka qaybgalka waxbarashada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada Puntland , xoojinta kormeerka, manhajka iyo xoojinta awoodda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dowladda.

Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladu ahmiyadda labaad ay siisay waxbarashada, marka laga reebo amniga, maadaama waxbarashadu door muhiim ah ku leedahay ladagaalanka jahliga iyo amni xumada.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuuridda jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho tayo leh caruurta Soomaaliyeed ee Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax Farmayeeri  waxaa uu yiri” maanta waxaan ku guuleysanay ina qorno Manhajka dugsiyada hoose fasalka 1aad ilaa 4aad waxana isla sanad guul ka gaarayna Buugaagta kale oo noo dhima”.

Mudane Farmayeeri ayaa tilmaamay in marna aan la illaawi doonin doorkii bahda Waxbarashada ay ka soo qaateen, intii lagu guda jiray geedi-socodkii Manhjka Waxbarashada Puntland.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmiya qoraalka Manhajka uga daah-furay xarunta  kulliyadda Tababarka macallimiinta Puntland ee GTEC.

Halkaan hoose ka eeg sawirada furitaanka Manhajka

PUNTLAND POST