Guddoomiyaha degmada Buurtinle oo xilka laga qaadayo

Wasiir Dhabancad

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo maamulka gobolka Nugaal, ayaa sida qorshaysan saaka furi doona kal-fadhiga golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Golaha degaanka demada Buurtinle oo ka kooban 23 xubnood, ayaa la sheegayaa in ay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha degmada, Maxamed maxamuud Axmed (Buur-dibi) oo ay ku eedeyanayan dhega’adayg iyo xil-gudasho la’aan.

16 xubnood oo kamid ah 23-da xildhibaan ee golaha degaanka Buurtinle, ayaa soo gudbiyay mooshinka xilka qaadista guddoomiye Buur-dibi, waxaana fashilmay dadaalay odoyaasha degmadaasi ku doonayeen in ay ku xalliyaan khilaafka guddoomiyaha iyo xildhibaannada.

Markii la xisaabiyo wadarta guud ee golaha degaanka buurtinle oo dhan 23 xubnood  iyo xildhibaannada  mooshinka wada, waxaa soo baxaysa natiijo muujinaysa in sidaasi Buur-dibi xilkii looga qaaday, haddii aan wax kale is-beddelin.

PUNTLAND POST