DF oo si taxaddar leh uga hadashay cabsida laga qabo cudurka halista ah ee EBOLA

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda caafimaadka Somalia ayaa si taxadar leh uga hadashay cudurka halista ah ee Ebola oo ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan walaac xooggan inuu soo gaaro Somalia.

Wasiiradda caafimaadka DF, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Somalia aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco cudurka Eboola oo kiisas ka mid ah laga helay dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan dalka.

Cudurkan ayaa wuxuu horay dhibaatooyin ba’an uga geystay dalal badan oo Afirka ah, waxaana Somalia laga saaray ciidan ka socday dalka Sierra Leone oo qayb ka ahaa hawl-galka AMISOM, cabsi laga qabo inuu cudurkan u soo gudbo Somalia.

Haddaba, Cudurkan ayaa waxaa laga helay dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Somalia, taasoo keentay walaaca laga qabo in cudurkan uu si fudud kusoo gaaro Somalia, haddii uu soo gaarana ay dhibaato weyn oo caafimaad ka dhici karo dalkeenna, maadaama aysan hay’adihiisa caafimadku awood badan u lahayn ka hor-tagga cudurka.

Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Somalia

PUNTLAND POST