xeer-ilaalinta Puntland oo shaacisay wakhtiga la dhegaysan doono dacwadda Rafcaan Kiiskii Caa’isha Ilyaas

Ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed xareed Faarax

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa maanta shaaciyay wakhtiga loo muddeeyay, dhegaysiga dacwadda rafcaanka, saddex nin oo ku eedaysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Maxamed Xareed ayaa sheegay in dhegaysiga dacwadda rafcaanka loo muddeeyay, Sabtida todobaadka soo socda oo ku beegan 22-ka bishan June 2019, kadib markii eedaysanayaashu ay rafcaan ka qaateen xukunkii hore loogu riday.

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa 12-kii bishii May ee sannadkan xukun dil ah ku ridday, saddex eedaysane oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay, kufsigii iyo dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas.

Balse, eedaysanayaaasha ayaa rafcaan ka qaatay xukunkaasi, waxaana sida hadda xeer-ilaalintu sheegtay dacwadda rafcaanka la dhegaysan doonaa sabtida todobaadka soo socda.

PUNTLAND POST